Maxkamadda ICJ oo Maanta Dhageysan Doonta Dacwada Dawladda Soomaliya ay ka Qabto Muranka Badda

0

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ee ku taala magaalada Hague ee dalka Holland ayaa maanta dhageysan doonta Dacwada Dawladda Soomaliya ay ka qabto Muranka Badda ee kala dhaxeeya Dowladda kenya oo dhankeeda ku doodaysa in madax ka Tirsaneyd Dowladihiisa kmg-ga ahaa ay heshiis kala saxiideen.

Dacwadaan  dowladda Soomaaliya waxaa uga qeyb gelaya Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Axmed Cali Daahir oo horkacaya khubaro heer caalami ah oo qaanuun iyo farsamayaqaanno ku takhasusay soohdimeynta badaha oo isugu jira Soomaali iyo ajnebi iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Brussels, Diplomaasiyiin kale, saraakiil hore iyo madax iyo wakiillo ka socda laamo Dowladda ah iyo bulshada rayidka ee dalka gudhiisa iyo dibaddiisaba.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Somaliya   Dr. Axmed Cali Daahir   oo warbaahinta kula Hadlay magaalada Hague ee dalka Holland ayaa sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan  in Somaliya ay ku guuleysato arimaha Dacwada badda kala dhaxeysa Dowlada Kenya.

Soomaaliya iyo Kenya badda ay ku muransan yihiin waxaa la aamminsan yahay in uu ku jiro shidaal ay tahay in biyaha hoostooda laga soo saaro. Soomaaliya markii ay dacwaddan gudbisay 28 August 2014 wixii ka dambeeyay, waxaa aag badeedkaas isaga baxay sharikado shidaal baarayay oo Kenya heshiis kula jiray, marka laga reebo sharikadda ENI ee dalka Talyaaniga oo ilaa hadda ku jirta biyaha lagu muransan yahay.

Wareegga Labaad

Kenya waxay doodeysaa Arbaca 21 September saacaddu marka ay tahay galabnimada 16:30 ilaa 18:00.

Soomaaliya  waxay jawaabeysaa Jimce 23 September 10:00 ilaa 13:00.

Maalin kasta marka doodda la dhegeysto, Maxkamaddu waxay barteeda Internetka ku soo daabici doontaa doodda Maxkamadda laga soo jeediyay oo sideedii ah. Maalinta u dambeysana Maxkamaddu waxay soo saari doontaa War-Saxaafadeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here