Wasaarada Arimaha Gudaha Xukuumadda soomaaliya ayaa sheegtay in ay jiraan Guddi xalinayo cabashooyinka ay qabaan beelaha qaar ee ka soo kala jeeda Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe dhexe
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Pro Yaxye Cali Ibraahim ayaa Sheegay Wasiirada Arimaha Gudaha inay Guddi u Xilsaartay Xalinta Khilaafka wali ka Jira Qeybsiga Ergada iyo Tirada Xildhibaanada Baarlamaanka ee Maamulka loo Dhisayo Gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe si looga Gudbo caqabadaha Hortaagan Dhisamaha Maamulkaasi.
Xoghayaha Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya ugu baaqay in Sid deg deg ay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ugu soo xaadiraan Ergada ka qayb galaysa soo Xulsta Xildhibaanada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe Maalinta Arbacada ah ee asbuucaan.
Sidoo kale Pro Yaxye Cali Ibraahim ayaa Xusay in Bilowga Asbuuca soo socada la guda gali doono soo bandhigida iyo Aqrinta Dastuurka uu yeelanayo Maamulka loo dhisaayo Gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

