Dhageyso:-Dowladda Soomaliya oo Loogu Baaqay in ay Wax Ka Qabato Dhibaatada ay Geysteen Ciidanka AMISOM

0

Ehalada 5 Ruux oo ay Ciidanka AMISOM  ku Dileen Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Dowlada Soomaaliya ka Codsaday in ay wax ka qabato dhibaatada ay geysteen Ciidanka AMISOM.

Nabadoon Cumar oo ka mid ah dadka Deegaanka Laanta Buure oo la hadlay Idaacada Simba  ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay in Cabsi laga Qabo Darteed Dilalka aan kala Sooca lahayn ee Ciidamada AMISOM ay ka Geysanayaan Gobalka Shabeelaha Hoose Deegaano fara badan ay ka Barakaceen Dadka Daganaa.

Dhinaca kale Nabadoon Cumar ugu baaqay Dowlada Federaalka Soomaaliya inay wax ka qabato Dilalka aan kala Sooca lahayn ee Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ay  ka Geysanayaa Gobalka Shabeelaha Hoose Islamarkaan ay Dowlada Soomaaliya ay Dib u gees ku Sameyso 5-Ruux oo ahaa  dad Shabac ah oo Ciidamada AMISOM ay si ula kac ah ay u laayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here