Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ayaa dad shacab ahaa ku laayay galabta deegaanka Laanta Buuro ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Qof kamid ah dadka deegaanka Laanta Buuro ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho u sheegtay in dhalinyaro ay qaraabo ahaayeen ay ka xeysteen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM kadib markii qarax lagu eegtay deegaanka kadib ay Howlgal ka sameeyeen.
“Walaal Ciidamo ka Tirsan Amisom ayaa qarax miino waxaa lagula eegtay deegaanka Laanta Buuro ee Gobolka Shabeelaha Hoose, qaraxa kadib Ciidamada ayaa furey rasaas aad u fara badan, waxaa ku dhintay 5-qof oo shacab ahaa, waxay sidoo kale wateen dhalinyaro gaareysa 10-waxayna ula soo dhaqaaqeen dhanka carbiska, ayay tiri mid kamid ah dadka deegaanka Laanta Buuro .
Dadkii ku dhintay rasaasta ay Fureen Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ayaa la sheegay in ilaa haatan ay yaalaan meydadkoda goobta lagu dilay.
Dhanka kale Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Ciidamada Amisom ayay kaga Hadlayaan dilalka iyo qafaalashada ay u geysteen dadka shacabka ahaa.

