Yaxye Cali Ibraahim, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya , ayaa galabta Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe kaga dhawaaqay in Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu yeelan doono 91 Xildhibaano, kuwaa oo noqonaaya Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi.
Xoghayaha, Joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya ayaa wuxuu tilmaamay in 20 xubnood lagu kordhiyay tiradii horey loogu qorsheeyay inay noqdaan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, oo ahayd 71 xubnood.
Sababta, ayuu ku sheegay Yaxye Cali Ibraahim, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya cabasho badan oo ka timid beelaha Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, si beelaha loo qanciyo la go’aamiyay bal in la kordhiyo tirada Xildhibaanada.

