Madaxweyne Gaas oo La kulmay Madax ka Socotey Hay’adda QM u Qaabilsan Masiibooyinka+Sawirro

0

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 19 September, 2016 Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay  Madax ka socotey hay’adda qaramada midoobey u qaabilsan  ka hor tagga masiibooyinka dabiiciga ah ee magaceebda loo soo gaabiyo STAIT.

Masuuliyiintaan ka socdey hay’adda STAIT oo uu hoggaaminayey Panos Moumtzis ayaa waxaa ka mid ahaa Stuart Kefford,  Ulrika Blom iyo Cyril Ferrand, kuwaas oo saraakiil sare ka ah hay’addaasi STAIT.

Madaxweynaha dawlada Puntland iyo saraakiisaashii ka socotey hay’adaasi STAIY ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha banii’aadaminimada iyo ka hor-tagga masiibooyinka dabiiciga ah ee xilliyada qaarkood ka dhaca Puntland.

Mr. Panos Moumtzis iyo waftigiisa uu hogaaminayey ayaa ugu horrayn uga mahadceliyey Madaxweynaha Puntland soo dhoweynta iyo qaabilaadda uu u sameeyey isla markaana waxa ay Puntland ku ammaaneen siyaasaddeeda ku aaddan qaabka ay u maarayso ka hor tagga Masiibooyinka dabiiciga ah.

Sidoo kale Mr. Panos waxaa uu Madaxweynaha kala hadlay qaabkii Puntland looga caawin lahaa masiibooyinka dabiiciga sida duufaanka NINO iyo ka hor tagga abaaraaha maadaama oo sannadkaan 2016-ka ay yaraayeen roobabkii Gu’ga sidoo kalena laga cabsi qabo in uu dib u dhac ku yimaado roobabka dayrta.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa ku boorriyey Hay’addaasi inay dejiso qorshe gar-gaar, kaas oo loogu diyaar garoobayo ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah ka hor inta aanay dhicin si looga bad-baado khatar walba oo ka imaan karta Masiibooyinka dabiiciga ah.

Ugu dambayn Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay Puntland diyaar u tahay in ay fududaynayso dhinaceeda wax walba oo suurta gelin kara in gar-gaarka la gaarsiiyo goob walba oo ay ka dhacdo Masiibo.

1474273102b9e09 147427309710b6e 147427309919bb8 1474273100467bd

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here