Madaxweynaha:-Dowladda Soomaaliyeed Marnaba Kama Tanaasulayso Hal Taako oo ka Mid ah Baddeena in La Qaato

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo ka Hadlayay arinta muranka badda ee ka dhaxeeysa Soomaliya iyo Kenya aya sheegay in soomaliya  aysan marnaba ka tanaasuleyn hal mitir oo ka mid ah Biyaha Badda Somaliya, xilli maanta Maxkamada Hague ay ka bilaabaneyso Dacwada Badda ee Somaliya iyo Kenya u dhaxeysa.

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud  waxa uu Tilmaamay  Koox sharciyaqaano ah oo ka socda dalka Somaaliya inay tageen Magaalada Hague  ee dalka Holland si ay ugu doodaan Badda Somaliya.

“Maanta waxaa bilaabanaya Dacwadii Kenya iyo Somaliya u dhaxeysay ee Badda, Dacwadaas Kooxda Sharciyaqaanada Somalida ah Maxkamada ayeey tagayaan kuwa Kenyana dabcan wey imaan doonaan, muhiimada Dacwada bada waxa ay tahay dhulka Biyaha Somaliya hal mitir oo ka mid ah inaan laga tanaasulin.”Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale sheegay markii Dowladda Somaliya iyo Dowladda Kenya ay isku fahmi waayeen wada hadalka ku aadan Muranka Badda inay keentay Dacwada in loo gudbiyo Maxkamada Hague.

“Marka anaga iyo walaalaheen Kenya aan wada hadalnay oo aan wada hadalkii isla keeni weynay, Mushkilada in lagu xaliyo si qaanuuni ah oo ilbaxnimo ah oo qawaaniinta caalamka la dugsanaayo aad ayaan kalsooni badan ugu qabnaa inaan saxanahay oo waxa aan ku doodayno ay tahay xaqa aan leenahay cid kale inaan dulminayno ma aaminsani, xaqaasi aan leenahay anaga go’aan Dowlada Somaliya anagoo mataleyna shacabka Somaliyed, hal mitir oo Biyaheena ka mid ah inaan ka tanaasulno ma rabno.”

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here