Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ummadda Soomaaliyeed iyo ciidanka xoogga dalka uga tacsiyadeeyay geerida Jeberaal Maxamed Roble Goobaale, Taliyihii Guutada 3-aad ee XDS ee Muqdisho ku shahiiday.
“Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, iyo keygaba waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo guud ahaan Ciidamadda Xoogga dalka oo uu ka tirsanaa Marxuumku, isla markaana ahaa taliyihii guutada 3aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Jen, Maxamed Rooble Jimcaale oo loo yaqaanay Goobaale. kuna shahiiday Muqdisho kaddib weerar ay argagixisadu ku qaadeen xilli uu ku guda jiray howl maalmeydkiisa shaqo”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhanka kale Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa cambaareeyey weearkii bahalnimo ee maanta lagu dilay Taliyihii Guutada saddexaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jen, Maxamed Rooble Jimcaale oo loo yaqaanay Goobaale. Wuxuna Tacsi u direy qoyskii uu ka baxay Marxuum iyo guud ahaan Ciidamadda Xoogga dalka oo ka tirsanaa Marxuumku.
Ra’iisul Wasaaraha waxa uu MARXUUMKA ku tilmaamay Halyey Qaran oo kaalin adag ku baneeyey ILLAAHAY-NA waxa uu MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ciidamada Xoogga , Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. In-Naa Lillaahi Wa In-Naa Ilayhi Raajicuun.”

