Dacwada Muran Badeedka u Dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta Si Rasmi ah uga Furmaysa dalka Holland, halkaa oo ay ku sugan yihiin Gar-yaano iyo Mas’uuliyiin ka kala Socda lada Wadan oo goob joog ka noqonaya qaabka ay u dhacayso Dacwada Mururka soo Dinta Bada.
Maxkamada Cadaalada Aduunka ee Marka Magaceeda la soo Gaabiyo loo yaqaano “ICJ” ayaa Maanta oo Isniin ah waxa ay u fariisanaysaa Dhagaysiga Dacwada Murunka Badda ee u Dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ah mid muddo dheer soo jiitamayey islamarkaana labada Dowladood ay Dhex-dooda ka Xalin waayeey.
Garyaqaanka Dowlada Kenya ayaa maanta hadalo ka hor jeedinaya Maxkamadda Caalamaiga ah ee ICJ Waxaana Maalinta Bari ah oo Talaado ay sidoo kale Maxkamada Hadal ka Hor jeedin Doonaan Garyaaqaanka Soomaaliya.
Warar ka imaanaya Dalka Holland ayaa Sheegaya Dowlada Kenya ay Wali ka Cago jiidayso in Muranka Xaduuda Badda ee kala Dhexeeya Dowladda Soomaaliya halka Jamhuuriyada Soomaaliya ay Dhankeeda ku adkaysanayo inay Maxkamadda Cadaalada Aduunka lagu Xaliyo arinta Muran.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo ku sugan Wadanka Holland, ayaa Sheegay in Maanta oo Isniin ah Maxkamada u Fariisanayso Dhagaysiga dacwadda la xiriirta Xadgudubka Kenya ee badda Soomaaliya.

