Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Jubba-land ayaa maanta kormeer ku tagay Xeryaha ay ku nool yihiin Qoysaska Soomaaliyeed ee ka kasoo laabtay dalka Kenya ee dib u dajinta loogu sameeyey magaalada Kismaayo iyo deegaanada kale oo ka Tirsan Jubooyinka.
Madaxweyne kuxigeenka labaad ee maamulka Jubbaland C/qaadir Xaaji Maxamed (lugadheere) ayaa horkacayay Mas’uuliyiintaan Maamulka Jubba-land ka socday waxayna u kuurgaleen xaaladaha dhabta oo ay ku nool yihiin qaxootiga Soomaliyeed ee kasoo laabtay xeryaha qaxootiga dalka Kenya.
Deeganada Maamulka Jubba-land uu ka arimiyo ayaa waxaa haatan ka socda dib u dajin loo sameynayo dadka qaxootiga Soomaliyeed ee kasoo laabanaya dalka Kenya kadib markii uu heshiis seddex geesood ahaa uu dhexmaray Dowladaha Kenya, Soomaliya iyo Hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.




