Wafdi uu Hogaaminaayo Xeer Ilaaliyaha Qaranka Somaliya oo Gaaray Magaalada Hague ee dalka Holland+Sawirro

0

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Somaliya iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa maanta Gaaray Magaalada Hague ee dalka Holand oo maalinta bari ay ka bilaaban doonto dhageysiga Muranka u dhaxeeya Somaliya iyo Kenya ee ku aadan arimaha Badda.

Dr. Axmed Cali Daahir  Xeer Ilaaliyaha Qaranka Somaliya  ayaa rajo wanaagsan wuxuu ka muujiyay in Somaliya ay ku guuleysato arimaha Dacwada badda kala dhaxeysa Dowlada Kenya.

Waxa uu Tilmaamay Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaliya Dr. Axmed Cali Daahir in maalinta bari ah  oo isniin ah ay Maxkamadda dhageysan doonto dooda Dowladda Kenya ay ku hor istaageyso in Dacwadu sii socoto & dowladda Soomaaliya oo sheegtay  in aysan dooneyn in ay wax wadahadalo ah kala gasho Kenya muran Badda.

Dooddu waxay u dhici doontaa sidan:

Wareegga Koowaad

Kenya waxaa la dhegeysan doonaa Berrito oo ah Isniin 19-ka September, laga billaabo saacadda Hague marka ay tahay 10:00 ilaa 13:00.

Soomaaliya waxay jawaab celineysaa Talaado 20 September laga billaabo 10:00 ilaa 13:00

Wareegga Labaad

Kenya waxay doodeysaa Arbaca 21 September saacaddu marka ay tahay galabnimada 16:30 ilaa 18:00.

Soomaaliya  waxay jawaabeysaa Jimce 23 September 10:00 ilaa 13:00.

Maalin kasta marka doodda la dhegeysto, Maxkamaddu waxay barteeda Internetka ku soo daabici doontaa doodda Maxkamadda laga soo jeediyay oo sideedii ah. Maalinta u dambeysana Maxkamaddu waxay soo saari doontaa War-Saxaafadeed.

 

img_0595 img_0596-1-1 img_0596-1

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here