Maamulka Gobolka Hiiraan ee dowlada soomaliya ayaa ka Hadlay amaanka Gobolka Iyagoona sheegay in magaalada Beledweyne amaankeeda la isku Haleyn Karo mar walba
Taliye cali dhuux Cabdi mahad alle oo la Hadlay Idaacada simba ayaa sheegay in amaanka Magaalada Beledweyne uu yahay mid la isku Haleyn Karo lagu qaban Karo shir Maamul U sameynta Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe oo dhawaan dhici doona
Sidoo kale Taliye cali dhuux Cabdi mahad alle Taliyaha Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in xili walba ay Baaritaano ay ka sameyaan Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan
Mudooyinkii dambe waxaa ka dhacayay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Falal amniga Lidi ku ah waxaa Magaladaas Lagu diley Mas’uuliyiin dowlada soomaliya ka Tirsan iyo dad Rayid ah

