Xog La Helay:- Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya  oo Lagu Wado in uu Iscasilo

0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu iska casilo xilka isagoo u sharxan xilka Madaxweynaha Maamulka iiraan iyo shabeelaha Dhexe.

Ilo lagu kalsoonan karo ayaa warbaahinta Simba u xaqiijiyay in wasiirka amniga Gudaha Xukuumadda C/risaaq Cumar Maxamed uu haatan ku howlan yahay sidii uu iskaga casili lahaa xilka  haatan  uu ka hayo dowlada wuxuu maalmaha soo socda ku dhawaaqi doonaa musharaxnimadii madaxweynaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo dhawaan la dhisi doono.

Musharixiin uu kamid yahay C/risaaq Cumar Maxamed ayaa kamid ah Musharixiinta haatan u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka Hiiran iyo shabeelaha Dhexe oo kahor doorashada Soomaliya la dhisi doono, iyo xubno kale oo gaaraya 3- oo dhamaamba u loolamaya xilka Madaxweynaha maamulkaas Cusub.

Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Todobaadkaan Gaaray Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe isagoo ujeedkiisa uu ahaa sidii loo dardar galin lahaa dhismaha maamulka Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe inta aan la gaarin Doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa door wanaagsan ka qaatay  Doorashadii Madaxweynaha Galmudug Mudane C/kariin Guuleed, haatana waxa uu  wataa Musharax kale maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaase la ogeyn sida uu arintaan ugu Guuleysan doono.

Arintaan ayaa loo arkayaa in Xasan Shiikh Maxamuud uu ugu danleeyahay in uu mar kale uu kusoo laabto xilka Madaxtinimada soomaliya wuxuuna Taageero ka helayaa sedex maamul Goboleed, hadii uu ku guuleysto maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe wasiirka amniga uu xilkaas u tartamaya xiligaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here