Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Somaliya oo dhinac ah iyo dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa galabta ku dagaalamay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ay weerar gaadmo ahaa ay ku qaadeen degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo oo mudooyinkii dambe ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada Kenya ee qeybta ah Howlgalka AMISOM.
Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo rasaas culus iyo qaraxyo waaweyn laga maqlayey gudaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya oo labada dhinac ay ridayeen.
Sarkaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa Warbaahinta Al-shabaab Taageerta u xaqiijiyay in Ciidamadooda ay si buuxda ula wareegeen degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo, waxaana uu tilmaamay in dagaalka ay kula wareegeen Gaadiid dagaal iyo Saanad hub ah oo ay ka carareen ciidankii la weeraray.

