Wasaaradda Qorsheynta Soomaliya oo Muqdisho ka Daah-furtay Mashruuca Xasilinta Dalka+Sawirro

0

Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda  Soomaaliya iyo Safaaradda Dowladda Norwey ee Soomaaliya ayaa maanta waxa ay Magaalada Muqdisho ka daah fureen Mashruuca Xasilinta Dalka oo ka mid ah mashaariicda wasaaradda qorsheynta Soomaaliya ay ugu tala gashay horumarinta dalka.

Danjire ku xigeenka safaaradda Dowladda Norwey ee Soomaaliya Vebjorn Heines oo ugu horeyntii kulanka ka hadlay a ayaa sheegay in waxa ugu muhiimsan ee mashruucan loo fulinayo uu yahay in shaqa abuur loo sameeyo dhalinyada Soomaaliyeed maadaaama ay yihiin  qeybta  ugu badan Bulshada.

Wasiirka wasdaarada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Cali  Ceynte ayaa sheegay in mashruucaan uu ka mid yahay mashaariicda ugu waa weyn ee dalka laga hir geliyay.

Sidoo kale Wasiir C/raxmaan Yuusuf Cali  Ceynte  ayaa tilmamay in mashruucaan uu waafaq sanyahay qorshaha qaranka ee sedaxda sano soo socoto isagoo ugu mahad celiyay dowlada norwey sida ay ugula shqeysay mashrucuaan fulintiisa.

vlcsnap-2016-09-14-15h51m55s138 vlcsnap-2016-09-14-15h53m25s21 vlcsnap-2016-09-14-15h54m16s16 vlcsnap-2016-09-14-15h54m41s14

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here