Qaramada Midoobay oo Soo Dhoweysay Xabad joojinta ka Dhaqan Gashay Dalka Siiriya

0

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Suuriya, Staffan de Mistura, ayaa waxaa uu cadeeyay in ay istaageen dagaaladii ka socday dalkaas  maadaama ay maalintii isniintii ee todobaadkaan ay dhaqan gashay xabadjoojin ay ku heshiiyeen wadamada Ruushka iyo Maraykanku in dalkaas laga hirgeliyo.

Staffan de Mistura, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay  u qaabilsan dalka Suuriya oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Geneva ee dalka Swizerland ayaa tilmaamay in kolonyo gaadiid oo sida gargaar la gaarsiin doono bariga magaalada Xalab, halkaas oo mucaaradka ay maamulaan xiligaan.

Waxaa la arkayaa caruur farabadan oo ku ciyaaraya waddooyinka magaaladaasi  xalab ee dalka Syria kaddib markii duqeynta ay ka istaagtay deegaano badan oo ay ka mid tahay Xalab, idlib iyo Magaalooyin kale.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here