Xukuumada soomaliya ayaa sheegtay in Guddi Baara loo saari doono dilkii dhawaan loo geystay wiil Kubbad ku ciyaarayay meel u dhow Garoonka Muqdisho oo Fariisimo ay ku leeyihiin ciidamada Midowga Africa ee amisom
Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo xubno kale oo dowlada soomaliya ka Tirsan oo Booqday Ehelada wiilka ay dileen ciidamada amisom ayaa sheegay In ay aad kaga xun Yihiin dilka loo geystay wiilka Yar sidaas darted ay Baaritaano ay ku sameyn doonaan siduu dilka u dhacay
27/09/2015 ayay aheyd markii Ciidamo ka Tirsan kuwa amisom ay rasaas kusoo rideen Wiil Yar oo Kubbad ku ciyaarayay meel u dhow Garoonka Muqdisho taasi oo keentay in wiilkii Yaraa u dhinto Rasaasta lagu soo ridey
Marar badan ciidamada amisom ayaa Rasaas ku Furey dad Rayid oo aan waxba Galabsan

