Duulimaadyadii Diyaaradaha Qaadka Ka Keeni jirey Dalka Kenya oo Maanta Dib u Bilaabanaya

0

Waxaa maanta oo Arbaco  ah dib u bilaabanaya duulimaadyadii diyaaradaha qaadka ka keeni jirey dalka Kenya kadib markii dowladaha  Soomaliya iyo Kenya ay isku raaceen in xayiraada laga qaado qaadkii ka imaan jirey dalkaas.

Kulan gooni ah oo u dhexeeyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo dhigiisa ​​Somaliya Mudane Hassan Shiikh Maxamuud  oo ka qayb galayey shir madaxeedkii dalalka IGAD ee Muqdisho ka dhacay ayaa ku heshiiyey in si degdeg ah loo soo afjaro xayiraaddii muddada todobaadka ka badan saarnayd qaadkii Soomaaliya uga imaanayey Kenya.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla go’aamiyey in la joojiyo Dadyuuradaha rakaabka Muqdisho ka baxa oo inta aysan gaarin magaalada Nairobi lagu baari jiray magaalada Wajeer, waxaana hadda ka dib dayuuradahan ay si toos ah u tegi doonaan Nairobi, waxaana baaritaanka Wajeer dhibaato badan ku qabay rakaabka la socda dayuuradaha.

Madaxweyne Kenyatta, Madaxweynihii ugu horeyeeyay ee Kenya ah ee soo  booqda magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya muddo 30 sano ah, ayaa sidoo kale heshiis rasmi ah kula saxiixday dhigiisa Soomaliya in Bangiyada Ganacsiga Kenya xafiis ka furtaan Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here