Wasiirada Arimaha Dibada Urur Goboledka IGAD oo Magaalada Muqdisho Soo Gaaray

0

Wasiirada Arimaha Dibada Urur Goboledka IGAD ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo hordhac u ah Wafdiga Madaxweynayaasha ee saacadaha soo socda imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.

Wasiirada Arimaha Dibada dalalka, Uganda, Kenya iyo Jabuuti ayaa waxa ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya , waxa ayna hordhac u yihiin Wafuuda kale ee la sugaayo in Magaalada ay soo gaaraan.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa Wafdiga Madaxweynayaasha inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya  si shirka uu u furmo, islamarkaana loo guda galo ka hadlida xiisadaha ka taagan dalka South Sudan iyo Arimaha Doorashooyinka Somaliya, sida uu Saxaafadda u sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here