Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumadda Somaliya Mudane C/salaan Hadliye Cumar, oo la Hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya si rasmi ah kaga furmaayo shir Madaxeeda Urur Goboleedka IGAD .
Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumadda Somaliya Mudane C/salaan Hadliye Cumar, ayaa sheegay qabsoomida Shirkaan Somaliya inay guul u tahay marka la eego xaalada dalka oo meel walba kasoo hagaaysa.
“Waxa weeyaan guul weyn oo Soomaalida oo dhan iyo dowladda Federaalka usoo hoyatay in 7-da waddan ee IGAD madaxdooda isugu imaanayaan Muqdisho, waxaan u maleynayaa iney tahay markii ugu dambeysa oo 7 madax isugu yimaadaan Muqdisho iney ahayd 1974-kii, markii aqalka umadda la sameeyay oo OAU isku timid, marka waxa weeyaan in la tuso Adduunka in Soomaaliya soo hagaageyso, iney nabad tahay, inay cadowga iska celinayso, in Soomaaaliya ay ku tashatay inay kamid noqoto gobolka, Afrika iyo Adduunkaba” ayuu yiri wasiir Hadliye.
Sidoo kale Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya Mudane C/salaan Hadliye Cumar ayaa ku tilmaamay Ajandaha Shirka inuu yahay Arimaha ka taagan South Sudan, Somaliya oo arimaha Doorashooyinka laga hadlaayo iyo sidoo kale arimaha IGAD.

