Dawladda Tanzania ayaa markii ugu horeysay ka hadashay khasaarihii uu geystay dhulgariir ka dhacay Gobolka Kagera maalintii sabtida ahay, kaasi oo ay ku nafwaayeen 16 ruux, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 250 ruux.
Dhulgariirkaasi oo cabirkiisa lagu qiyaasay 5.7 cabirka dhul-gariirada ayaa la sheegay inuu ahaa kii ugu xumaa ee Dalkaas ka dhaca ugu yaraan muddo toban sano ah, waxaa haatan laga dareemayaa Gobolka Kagera sameynta uu ku reebay.
Raisalwasaaraha Dalka Tanzania Kassim Majaliwa, oo booqday Magaalada Bukoba ayaa Madaxda deegaanka ku amray in ay qiimeeyaan baaxadda burburka si loo eego sida ay Dawladda dhexe gacan uga gaysan karto.

