Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo Gaaray Magalada Baydhabo ee Gobolka Baay+Sawirro

0

Wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Sharif Xasan sheikh Aadan iyo Mas’uuliyiin kale  ayaa Maanta gaarey Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyagoona Magaalada Muqdisho  ee Caasimada Soomaliya  ugu  qeyb galay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay waxaa wafdiga Madaxweynaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka magaalada.

Kadib waxaa loo galbiyay aqalka Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaana uu ka qeyb galey xaflada Sanadka Cusub Dowlada Itoobiya Isagoona mahadnaq balaaran u  jeediyey Ciidanka Itoobiya ee qeybta  ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM  waxana halkaas uga jeediyey khudbad dhinacyo  badan tabanaysay.

08 11 012 14 15 17 18 022 042 052 062 071 091 101 121

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here