Dagaal u Dhexeeya Ciidamada Dowladda Iyo Al-shabaab oo ka Dhacay Deegaanka Ceel-Caddoow ee G/Shabeelaha Hoose

0

Ciidamada Malatariga Dowlada Soomaliya ayaa al-shabaab  kala wareegay  tuulooyin hoos yimaada deegaanka Ceel Jaalle  ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo mudooyinkii dambe ay ku sugnaayeen.

Taliyaha Ciidamada Malatariga deegaanka Ceel Jaalle  ee Gobolka Shabeelaha Hoose  Bashiir Axmed Cali oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la wareegitaanka tuulooyinka ay yimaadeen kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamo deegaaneed taasina ay keentay in Ciidamada Malatariga Xoogga Soomaliyeed ay ku baxaan islamarkaana ay Al-shabaab kala wareegeen  tuulooyin hor leh.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Malatariga deegaanka Ceel Jaalle  ee Gobolka Shabeelaha Hoose   waxa u sheegay in dagaalka Al-shabaab loogu dilay 3-askari islamarkaana ay haatan ku dhow yihiin in ay gaaraan deegaano kale oo ay ku sugan yihiin Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here