Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo Eedeen U Jeediyay Maamulka Puntland+Dhageyso

0

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan yuusuf Axmed Hagar(Yuusuf Dabageed) ayaa ku eedeeyay maamul Puntland in uu usoo jeestay dhibaateenta Ganacsatada kasoo jeeda deeganada Gobolka Hiiraan ee Ganacsiyaha ku leh deeganada Maamulkaas.

“Puntland waxa aynu nahay dad walaalo ah oo wax walba ay ka dhaxeeyaan maamulkooda waa maamulkeena, ma ogi waxa ay u dhibaataynayaan Ganacsigeena iyo dadkeena, Ganacsigooda beledweyne ayuu joogaa, Gaalkacyo ayuu joogaa, Dhuuso Mareeb ayuu joogaa, xamar ayuu joogaa meel walba ayuu joogaa” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan yuusuf Axmed Hagar

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan yuusuf Axmed Hagar(Yuusuf Dabageed)  ayaa ku tilmaamay mid lagu deg degay Go’aanadii lagu joojiyay Gaadiidkii ka tagi jirey deegaanada Koonfurta iyo bartamaha dhulka Soomaliya ee tagi jirey deeganada Maamulkaas.

Amar dhawaan kasoo baxay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane C/xakiin Xaaji Cumar Camey  ayaa lagu jojiyay dhamaan Gaadiidkii ka imaanayay deeganada Koonfurta iyo bartamaha dhulka Soomaliya ee tagi jirey deegaanada maamulka Puntland sababo lagu sheegay xaqiijinta amaanka.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here