Akhriso:-Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo Amar Kasoo Saaray Joojinta Qaadka Digniina U Direy Ganacsatada

0

Wareegto  ka soo Baxdey Xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo Garoomada maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/laahi Aaden Axamed (C/laahi Black), ayaa lagu ayiday Amarkii Ka Soo Baxay Dowlada Federaalka Ee Soomaaliya ee ku aadanaa Joojinta Qaadka La Keeno Dalka Soomaaliya.

Wareegtadan ayaa lagu xusey in Degaanada maamulka Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya aan la keeni karin laguna iibin karin Qaadka Maadama DFS aysan ogoleyn arintaas, waxaana digniin adag loo direy cidii jabisa Amarkan iyo Amarkii Dowlada Dhexe Ee Soomaaliiya.

wareegto

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here