Wasiir Hadliye: “13-bishaan oo ku Beegan Maalinta Talaada ah Ayuu Furmi Doonaa Shir Madaxeedkii Urur Goboleed IGAD”

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka   Soomaaliya Mudane C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in dib loo dhigay shir Madaxeedkii Urur Goboleed IGAD ee maanta ka dhici lahaa Magaalada Muqdisho, islamarkaana uu shirka uu dhici doono 13-bishaan oo ku beegan maalinta Talaada ah.

Shirka oo horay loo shaaciyay inuu dhici doono 10-ka bisha September oo ku beegan maanta oo Sabti ah ayaa dib loo dhigay sababo aan la sheegin.

Wasiir Hadliye oo la hadlayay Telefishinka Universal ayaa xaqiijiyay in shirka uu dhici doono 13-ka bishaan, isagoo xusay in Soomaaliya uu u yahay guul weyn oo u soo hooyatay, islamarkaana Caalamka tusaysa in Soomaaliya ka gudubtay dhibaatooyinkii ka jiray.

Shirkaan waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti, Kenya, Sudan, Uganda, Koonfurta Sudan, raisul wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ajendaha loogu hadli doono waxaa kamid ah arrimaha  cakiran ee koonfurta dalka Suudaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here