Dhageyso:-Al-shabaab oo Bilaabay in ay Ugaarsadaan Ganacsatada Degmada Buulo-barde ee Gobolka Hiiraan  

0

Maamulka Degmada Buulo-barde ee Gobolka Hiiraan  ayaa Xarakada Al-shabaab ku eedeeyey inay Bilaabeen Ugaarsi ay ku Hayaan Ganacsatada Magaaladaas ku nool.

Gudoomiyaha Magaalada Buul-barde ee Gobolka Hiiraan Cabdicasiis Duuroow oo la hadlay Idaacada Simba  ee Magaalada Muqdisho ayaa Al-shabaab ku eedeeyay Dilka Nin Ganacsade Caan ah ahaa oo la Afduubtay ka dibna lagu Dilay Deegaanka Jamaaca oo Qiyaastii 25-km Dhanka Koonfur kaga Beegan Magaalada Buulo-barde.

Gudoomiayaha ayaa Sheegay in laamaha Amaanka Magaaladaasi ay baaritaan ay ku hayaan Qaabka Xarakada Al-shabaab ugu soo Suurto gashay Afduubka ay u geysteen Ruuxaan ka mid ah ahaa Ganacsata aad ka looga yaqaanay Degamadaasi waxa uuna rajo ka Muujiyey ay Helaan Xogta Arintaasi ku aadan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here