Taliyaha Ciidamada Amaanka Degmada Dhooblay ee Maamulka Jubaland Heybe Axmed Cabdullaahi oo la Hadlay Idaacada Simba ayaa Meesha ka saaray Suurto-galnimada Dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab in ay ku Dhex-dhuuntaa Dadka Qaxootiga ah ee gaaraya Degmadaasi
Taliyaha ayaa Sheegay Dadka ka imaanaya xeryaha Qaxootiga Kenya ay baaritaan Dheeraad ah ay ku soo maraan Xaduud ay Wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ka Hor inta aysan Soo gaarin Gobalada uu ka Arimiyo Maamulka Jubba-land .
Heybe oo Sii Hadlayey ayaa Sheegay in Maamulka Jubaland uu Ciidamo gaar ah uu u Sameeyey Sugida Amaanka Qaxootiga Soomaalida ee ka Imaanaya Xeryahada Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya waxa uuna intaa sii Raaciyey Amaanka Degmada uu yahay Mid lagu Kalsoonaan karo hada.

