Warar lagu kalsoonaan karo oo helayso idaacadda simba ayaa ku waramaya in dib u dhac kooban uu ku yimid shirkii Urur Goboleedka IGAD ee Maalinta sabtida ahaa ka furmi lahaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay Dowladaha Soomaliya iyo Kenya uu sabab u yahay dib u dhaca shirka xili dowladda Soomaliya ay Todobaadkaan ay shaacisay in la hakiyay duulimaadyadii diyaaradaha qaadka ka keeni jirey Kenya taasi oo ay ka xumaatay Kenya.
Inkastoo warkan aan weli si rasmi ah loo xaqiijin ayaa haddana ilo lagu kalsoon yahay oo ku dhow dowlada Somalia waxay sheegayaan in shirka uu dib dhacay saddex cisho, uuna si rasmi ah u furmayo 13ka bishan oo ku beegan maalinta labaad ee Ciidul adxaa.
Shir waxaa ka qeyb gali lahaa furitaankiiisa Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti, Kenya, Sudan, Uganda, Koonfurta Sudan, raisul wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

