Mareykanka oo Sheegay in Weerar Qorshaysan Lagu Dilay Dagaalyahano ka Tirsan Al shabaab

0

Maraykanka ayaa war kooban oo uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in uu ku dilay  dagaalyahano  katirsan Al shabaab Weearar uu ka fuliyay Gobolka Shabeelaha hoose.

Militariga maraykanka ayaa sheegay in ay dileen 4 xubnood oo ka tirsan Xarakada Al shabaab hawlgal ka dhan ah al shabaab oo Somalia ka dhacay usbuucaan gudihiisa.

Taliyaha maraykanka u qaabilsan Africa ayaa tilmaamay in weerarkaan oo ahaa mid isdifaac ah ay si wadajir ah ufuliyeen milatriga maraykanka iyo ciidamada Dawlada Somaliya islamarkaana lagu qaaday dagaalyahano ka Tirsan Al shabaab.

Afhayeen u hadlay taliska maraykanka ee Africa oo lagu magacaabo Captain Jennifer Dyrcz, ayaa tilmaamay in tiro aad u badan oo ka tirsan Al shabaab ay weerar kusoo qaadeen ciidamadooda kuwaas oo halis geliyay bad qabka iyo ammaanka Ciidamada

Dawlada maraykanka ayaa sheegtay in weerarkaas uu ka dhacay meel u dhow degaanka Tooratooroow ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here