Hogaamiyayaasha Madasha Wadatashiga oo Kawada Hadlaya Turxaan Bixinta Golaha Sare ee Baarlamanka iyo Amniga

0

Shirka Madasha Wadatashiga ayaa galay maalintii Labaad iyadoo Madaxda dowlada Soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira ay si qoto dheer ay kaga hadlayaan Dhaqangelinta Doorashoooyinka  la filayo in ay si nabad gelyo ah ay ku dhacaan iyo sidii loo sugi lahaa amniga goobaha doorashooyinka.

Sidoo kale Madasha Qaran ayaa sidoo kale waxa ay ka hadlayaan arimo ay ka mid yihiin Turxaan bixinta Golaha Sare ee Baarlamanka, sidii tabashooyinka loo yarayn lahaa, Maqaamka Magaalada Muqdisho oo xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran weli aysan si toos ah u cadeynin iyo arimo kale oo la xiriira Doorashada.

Furitaanka shirkan ayaa waxaa ka qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka , Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Maxamed Cumar Carte, Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Koonfuur Galbeed, Jubbaland, Galmudug, Puntland, wakiilada beesha caalamka iyo marti sharaf kale.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here