Odayaasha Dhaqanka Puntland iyo Galmudug oo Kawada Hadlaya Dhameystirka Heshiis Laga Gaaray Dagaal Dhacay

0

Odayaasha Dhaqanka Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta kulan ku yeelanaya  Garoonka Diyaarada Gaalkacyo kaas oo laga hadlaayo Dhamaynta Heshiis Hordhac ah oo laga gaaray Dagaalkii Ciidamada Puntland iyo Galmudug ku Dhexmaray Deegaanada Sirjimaale iyo Docla-Ooman oo Dhaca Waqooyi Bari Gobalka Mudug.

Odayaasha Gobalka Mudug ayaa Shalay ku Guulaystay in la kala Qaado Ciidamada labada maamul oo isku Hor fadhiyey Deegaanada Docla-Ooman iyo Sirjimaale halkaas oo Dagaal Qasaaro Dhimasho iyo dhaawac Dhaliyey uu ku Dhexmaray.

Nabadoon C/casiis Aw-yuusuf Xaarin oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Maamul Gobaleedka Puntland oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay in Shalay Odayaashu ay ku Guuleysteen in kala durjiyo Ciidamada labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug waxa uuna Xusay Maamulada ay ku Amreen Ciidamada laga saaro Deegaanada Dagaalku ka dhacay islamarkaana dib loogu Celiyo Saldhigii Mid walba uu kaga Sugnaa Xaduud ay wadaag gaan Maamuladaasi.

Nabadoon C/casiis ayaa dhinaca kala Sheegay in Odayaasha labada Dhicay isla Afgarteen in mar kale ay Maanta Arbaco ah iskugu Yimaadaan Magaalada Gaalkacyo Gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha si loo Amba Qaado Xabad Joojinta Shalay ka Dhaqan gashay Deegaanada Waqooyi Bari Gobalka Mudug waxa uuna Fariin u Diray Maamulada iyo Galmudug iyo Puntland taasi oo ku aadan in Dhowro Heshiiska Odayaashu ay gaareen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here