Wafdi ka socda Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo xog hayaha joogta ah ee wasaarada arimaha gudaha Yaxye Cali Ibraahim iyo xubno ka socda IGAD oo xalay ku hoyday magaalada jowhar ayaa kulan la leh odoyaasha dhaqanka ee magaalada ku sugan.
Qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiin katirsan maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa inoo sheegay in kulankaani uu hordhac u yahay furmashada shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo uu murankiisa taagan yahay.
Wafdigaani ku hoyday xalay magaalada jowhar ayaa ka amba baxay magaalada Muqdisho iyagoona hordhac u ah xubno ka socda dowlada dhexe ee dalka gaar ahaan wasaaradda arimaha gudaha iyo wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya.
Shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa lagu balan sanaa horaanta todobaadkaani in uu ka furmo magaalada jowhar kadib markii ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo wafdi ka socday IGAD ay ku heshiiyeen.
Odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa badi ka maqan shirkaani waxa ayna warbaahinta u sheegeen kadib dibad baxyo labo maal-mool ka soconaye balad weyne in aysan shirkaasi ka qeyb gali doonin.

