Tiro Hoobiyayaal ah oo ilaa haatan aan la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa Duhurnimadii maanta ku dhacay qeybo kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Xaafadaha ka ah dhow Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaliya
Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday madaafiicdan 7-qof oo kalana dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray kadib markii Guryahooda oo kuyaala Degmada Wardhiigley ay ku dhaceen madaafiicdan.
Sidoo kale Xaafada 15-ka May iyo xaafado kale oo ka tirsan Degmadaasi kuna dhaw dhaw xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ku dhaceen tiro hoobiyaal oo ilaa haatan aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha halkaas ka dhashay.

