Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo Furey Shirka Madasha Wadatashiga Qaran

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa  si rasmi ah u Furay shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo ay ka qeyb galayaan  Madaxda dowlada Soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedka dalka ka jira.

Shirkaan oo noqonaya kii ugu dambeeyay ee ay isugu yimaadaan Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, ayaa qorshaha uu yahay in lagu soo gaba gabeeyo waxyaabaha ka harsan arimaha Doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadkaan 2016-ka.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Bartiisa Facebook ku xaqiijiyay in Madaxweynaha  Jamhuuriyada Somaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud  uu si rasmi ah shirka u furay, islamarkaana uu Madaxtooyada ka socdo Shirka.

Shirkaan oo sida la filaayo socon doono muddo labo cisho ah ayaa looga hadli doonaa arimaha ku aadan doodaha ka taagan Aqalka Sare iyo Arinta Maqaamka Caasimada Magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here