Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayaa ka Hadlay cida ka dambeysa Qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale Gobolada dalka Somaaliya mudooyinkii dambe noqday kuwa kii kordha.
Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke oo shalay ku dhawaaqay in uu yahay Musharax Madaxweyne ayaa sheegay in dowlada Soomaliya ay haatan gacanta ku heyso shaqsiyaad lagu tuhmaayo in ay soo abaabuleen qaraxyadii ka dhacayay Gudaha Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka soomaliya islamarkaana dhawaan Maxkamad lasoo taagi doono.
“Dowladda Soomaliya waxa ay haatan gacanta ku heysaa dad badan oo soo abuubulay qaraxyadii ka dhacay gudaha Magaalada Muqdisho mudooyinkii dambe, kuwa kalana oo ka dambeeyay qaraxyada ka dhacay Muqdisho waan ku daba jirnaa, marabo inaan waxyaabo badan faah-faahin ka bixiyo, waan rajeynaynaa inaan gacanta ku soo dhigno dadkaasi, maadaama looga adkaaday Degmooyinkii laga qabsaday waxa noqotay inay soo galaan Magaalooyinka qaar, waan naqaanaa dadka waxaan ka dambeeya, waana rajeynayaa inaan gacanta ku soo dhigno dhawaan.” Ayuu yiri Raisul Wasaaraha Somaliya.
Mudooyinkii dambe Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya ayaa marti galinaysay qaraxyo badan iyadoo inta badan ay sheegteen Xarakada Al-shabaab oo dagaal Xoogan oo kula jirta Dowlada Soomaliya.

