War kasoo baxay aqalka cad ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in madaxweyne Obama uu ka baaqsaday kulan uu la yeelan lahaa Hogaamiyaha dalka Philippin Rodrigo Duterte, kadib markii hadalo aflagaado ah la sheegay in ay kasoo yeereen Hogaamiyaha Philippines.
Afhayeen u hadlay Golaha Amaanka qaranka ee dalka maraykanka oo lagu magacaabo Ned Price ayaa sheegay in uusan dhicidoonin kulan laba geesood ahaa oo horay loo qorsheeyay in ay yeeshaan Duterte iyo Obama.
Madaxweynaha Philippin Rodrigo Duterte ayaa ugu yeeray Obama wiil hooyadiis jirkeeda ka ganacsato, isagoo sheegay in uu waxba ka dhageesaneenin hogaamiyaha Maraykanka haduu soo hadal qaado xuquuqda aadanaha, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP.
Aflagaadada Duterte ayaa ku soo aaday ka hor kulan ay yeelan lahaayeen madaxweynaha Mareykanka iyo dhigiisa Philippin kaasoo la qorsheenayay in looga wada hadlo arimaha xuquuqda aadanaha.
Obama ayaa horay ugu iideeyay dawlada Philippine in ay ku xad gudubtay xuquuqul insaanka.

