Maamulka Galmudug oo Sheegay in Dagaalkii ka Dhacay Mudug ay ka Dambeeyeen Maleeshiyaad ka Soo jeeda Puntland

0

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta ee Maamulka Gal-Mudug oo la Hadlay idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland in maleeshiyaad ka socda dhankooda ay ka dambeeyeen dagaalkii qasaaraha dhaliyay ee shalay ka dhacay bariga Gobolka Mudug.

Wasiirka wasaaradda Dastuurka iyo dib u heshiisiintaa Maamulka Galmudug Mudane Cismaan Maxamed Cali Socdaal “Cismaan dheere” ayaa tilmaamay in maleeshiyaad ka yimaaday dhanka Maamulka Puntland oo aad u hubeysnaa ay weerar ku qaadeen dad kasoo jeeda dhanka Galmudug oo xiligaas ku sugnaa bariga Gobolka Mudug.

“Waan Maqalnay Dagaalada ka dhacay bariga Gobolka Mudug dhanka Galmudug, waxaa si cad ugu dambeeyay Maleeshiyaad kasoo jeeda dhanka Maamulka Puntland, Puntland oo mudooyinkii dambe siyaad xumo lagu ogaa ayaa haatan bilowday in dagaalo ay ka huriso bariga Gobolka Mudug dhanka Galmudug”, ayuu yiri Wasiirka Dastuurka Galmudug.

Dhanka kale Wasiirka wasaaradda Dastuurka iyo dib u heshiisiintaa Maamulka Galmudug Mudane Cismaan Maxamed Cali Socdaal “Cismaan dheere” ayaa ugu baaqay dhanka Maamulka  Puntland in ay joojiyaan Colaada lagu hurinaayo Gobolka Mudug islamarkaana wixii la kala tabanaayo la iskugu yimaada miiska Wada-hadalka si loo xaliyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here