Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaliya oo Shaacisay Xiliga  Muqdisho  uu ka Furmi Doono Shirka Madaxeedka IGAD

0

Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaliya ayaa shaacisay waqtiga uu ka Furmi Magaalada Muqdisho  kulan Madaxeedka Hoggaamiyeyaasha Urur Gobaleedka IGAD, oo dhawaaan la shaaciyay  in Gudaha Caasimada dalka lagu qaban doono.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Maalgashiga Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye oo Warbaahinta  kula hadlay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegay in 10-ka Bishaan aynu ku jirno uu Magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmi doono kulan Madaxeedka Hoggaamiyeyaasha Urur Gobaleedka IGAD.

Mudane C/salaam Hadliye Cumar ayaa tilmaamay in Madaxda shirkaas lagu casuumay ay kamid yihiin Madaxweyneyaasha dalalka Ugandha, Sudaan, Jabuuti, Kenya, Koofurta Suudaan iyo Raisul Wasaaraha dalka Itoobiya, islamarkaana Dalalka IGAD ay taageereen hormarka iyo Nabadda Soomaaliya xiligaan ka jirta.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Maalgashiga Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa meesha ka saaray casbiga laga qabo weeraro  Xarakada Al-shabaab ay ku qaadeen goobta lagu qaban doono shirka xili ay sii kordhiyeen weerarada ay ka geystaan Gudaha Magaalada Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here