Inta la xaqiijiyay 6-askari oo ka Tirsanaa Ciidamada Dowlada Soomaliya ayaa dhimatay kadib markii qarax miino lagula eegtay inta u dhaxeyso deegaanka Muuri iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Gaariga oo noociisu uu Kaarib ahaa, ayaa waxaa qaraxan lagula eegtay deegaanka Waaya Arag, oo ku yaala inta u dhaxeyso Afgooye iyo Muuri. Dhammaan lix askari oo la socotay, ayaa ku dhimatay qaraxaasi.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlada Soomaliya oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 6-askari oo ka Tirsana Ciidamada Dowlada soomaliya oo saarnaa gaariga qaraxa laga eegtay.

