Meydka Muwaadin Soomaliyeed oo Saakay Laga Helay Magaalada Tromso Dalka Norway

0

Allaha u naxariistee  Caydaruus Cumar Faarax oo kamid ahaa Dhallinyarada ka shaqeysata Tromso ee Woqooyiga dalka Norwey  ayaa meydkiisa laga helay Badda Magaaladaas saakay abaarihii 5:45 daqiiqo sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha Police-ka  magaalaadaas.

Mustaf Cumar Faarax oo ah Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaaladaas Tromso oo ay walaalo ahaayeen Wiilka dhintay ayaa xaqiijiyey in la tusay oo kaliya wajiga meydka Walaalkiisa haseyeeshee loo sheegay in baaritaan lagu wado kadibna lagu soo wareejin doono reerka si ay u aasaan.

Allaha u naxariistee  Caydaruus Cumar Faarax ayaa Muddo badan ka dhex shaqeynayay Gudaha Magaalada Tromso ee Woqooyiga dalka Norway, isagoo ahaa Taksiile si weyn loogu yaqaanay Magaaladaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here