Kenya oo Walaac ka Muujisay Ardayda isaga Haraya jaamacadaha Si ay Ugu Biiraan Daacish iyo Al-shabaab.

0

Dawlada Kenya  ayaa waxa ay sheegtay in hawlgal ay samaysay  ay kusoo qabatay tiro arday ah kuwaas oo looga shakiyay in ay doonayeen in ay ku biiraan Ururka Daacish taas oo dhalisay suurtagalnimada dadaalada ay kooxdaas ugu  jirto sidii ay dagaalyahano ugu qoran laheyd Gudaha Kenya.

Guddiga Waxbarashada Jaamacadaha dalka Kenya ayaa sheegay in ugu yaraan 44 arday ay ka tageen Waxbarashada si ay ugu biiraan kooxda  dalka Liibiya  Saldhiga ku leh ee Daacish iyo Xarakada Al shabaab ee Somaliya.

Walaacaan ayaa sii kordhay kadib markii tiro arday ah oo kuliyadda Caafimaadka ka baranayay dalka Kenya laxiray kuwaasoo lagu tuhmay in ay doonayeen in ay ku biiraan Dowlada Islaamiga ee Daacish.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here