Puntland iyo Dowlada Ethopia oo Sameenaya  Ciidamo isku Dhaf ah oo ka Howlgala Xuduuda

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland Mudane  C/xakiim Xaaji Cumar Camey oo ku sugan degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa kulamo la qaatay Mas’uuliyiin ka Tirsan ismaamulka Somalida ee dalka Ethopia.

Kulanka  uu la qaatay Mas’uuliyiinta  ismaamulka Somalida ee dalka Ethopia ayaa diirada lagu saaray xoojinta amniga iyo sidii gacanta loogu dhigi lahaa gadiidka baxsadka ah ee kala dhuumanaya rarka ee ka imaanaya koonfurta iyo Bartamaha dhulka Soomaliya.

Intaas kadib Afhayeenka  Madaxtooyada Maamulka Puntland C/laahi Maxamed Jamac Quraan-Jecel oo ka hadlay kulanka labada Mas’uul  ayaa sheegay in ay labada dhinac ay kawada hadleen sidii loo sameyn lahaa  ciidamo isku dhaf ah oo ka shaqaynaya Xuduudaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here