Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaal-ka Soomaaliya Mudane Xasan Shekh Maxamuud ayaa Sheegay in Dowlada Soomaaliya ay Xabsiga Dhigtay Tiro dad ah oo lagu Tuhunsan yahay in ay ku lug-leeyihiin Lacag laga Xaday Bank-ga Dhexe eeSoomaaliya kuwaas oo hada baaritaan uu ku socdo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Meesha ka Saaray in la Musuq-maasuqay Hantida Qaranka ee taalay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waxa uuna Tilmaamay Shaqsiyaad ka mid ah Shaqaalaha Bankiga ay Xadeen lacagta ku jirtay Qasnada Bangiga Dhexe ayagoo taa badalkeeda ku Shubay lacago Doollar ah oo been Abuur ah.
Madaxweynaha ayaa Xusay in Sadex ka Mid ah Ha’yadaha Amaanka Dalka in Dowladu ay u Xilsaartay in ay Baaritaan ku Sameeyaan Dadka loo soo Xiray lacagta laga Xaday Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxa uuna intaa ku daray inTilaabo gala qaadi doono Ciidii ay ku Cadaato in ay Xaday Hantida Qaran soomaaliya.
Dhankale Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlay Tirada Ciidamada Soomaaliya iyo Tacadiyada ay Geestaan ayaa waxa uu sheegay Dowlada Dhexe ee Soomaaliya ay hada Heysto 40,000-Askari oo 25-kun oo ka mid ay Militari yihiin Halka 10-kun Boolis ah taasi oo ah mid aad uga badan Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee Ka Socda Midowga Afrika ee Magacooda loo soo gaabiyo AMISOM.
Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciimada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Xaqiijiyey in Shaqsiyaad ka Tirsan Ciidamada Dowlada Tacadiyo ay u geystaan Shacabka Soomaliyeed balse haatan loogu gudbay arintaas iyadoo dal ay ka jirto Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo xukuno ku rida askarta lagu helo falalkaas.
Xigasho:-Madaxweynaha ayaa ka qeyb galay Dood wadaag ay qabatay Laanta Afka Soomaliga ee Voa-da

