Mareykanka iyo Kenya oo Iska Kaashanaya Xaqiijinta Ammaanka Bariga Afrika

0

Dowladaha Kenya iyo Mareykanka ayaa iska kaashanaya ammaanka Bariga Afrika si ay u waajahaan shabakada Dawladda Islaamiga ah (IS) oo dhawaan loogu dhawaaqay Soomaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Unug kamid ah kooxda Daacish in ay saldhig ka sameysteen bariga Qaarada afrika gaar ahaan Kenya kuwaasi oo qorshaynaya weeraro Argagaxiso.

Ninka aadka loo tuhunsanyahay ee qorshaha ayaa ah tababarahii hore Xarakada Al-Shabaab iyo Afhayeenka Cabdiqaadir Muumin, oo hadda madax ka ah koox ka mid ah  ISIS-ee koonfurta iyo bartamaha dhulka Soomaliya.

Maalintii Arbacada aheyd , Maraykanka ayaa xanibay hantida cunaqabateena kusoo rogay isagoo ka mamnuucay muwaadiniinta Mareykanka in wax xiriir ah la yeeshaan Muumin oo ay ku tilmaameen inuu “si gaar ah oogu lugleeyahay argagixisada caalamiga ah”.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here