5-qof oo Ku Dhimatay Shil Diyaaradeed oo ka Dhacay Gobolka Alaska ee Dalka Mareykanka

0

Shan qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalada Russian Mission ee Gobolka Alaska dalka Maraykanka.

Shilkaan ayaa ka dhashay kadib markii ay hawada sare iskula dhaceen laba diyaaradood oo yar yar oo ah kuwa ka shaqeeya ganacsiga.

Lama soo sheegin wax dad ah oo ka bad baaday shilkaas, kaasi oo ka dhacay dibada magaalada Russian Mission sida ay soo sheegayaan warbaahinta dalkaas..

Shilka nuucaan ah ayaa la sheegay in uu yahay mid nadir ku ah dalka Maraykanka marka lala bar bar dhigo midka ka dhaca airporada diyaaradaha caalamka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here