Gudoomiye Qalaafoow “Dilka Nabadoon Cabdi Ibraahim Aadan Waxaa ka Dambeeyay Al-shabaab”,+Dhageyso

0

Maamulka Magaalada Beledweyne ayaa Sheegay in ay gacanta ku soo Dhigeen Dad lagu Tuhunsan yahay inay ka danbeeyeen Dil  Xalay magaaladaas loogu geystay Nabadoon Caan ka ahaa Gobalka Hiiraan ee Bartamaha dhulka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdi Macalin Qalaafoow oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Al-shabaab ku eedeeyey in ay dileen Nabadoon Cabdi Ibraahim Aadan oo Xalay Nin Hubaysay uu ku Dilay Xaafada Howlwadaag ee Galbeedka Beledweyne.

Gudoomiye Qalaafoow ayaa Sheegay in ay gacanta ku soo Dhigeen Shaqsiyaad la Xiriirinayo inay ku lug lahaayeen Dilka Allah Unaxariistee  Nabadoon Cabdi Ibraahim Aadan kuwasi oo lagu soo qabtay Howlgal ay Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne ay ka Fuleen Ciiimada Amaanka Gobalka Hiiraan.

Dhankale mudane Qalaafoow ayaa meesha ka Saaray in Dilka Nabadoonka loo geystay uu wax Xiriir ah uu la leeyahay Shaqaaqooyinka Ku Salaysan aanooniyka Qabiil ee Mudooyinkii Danbe ka jiray Magaalada Beledweyne iyo Deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Marka laga soo Tago eedeenta  Maamulka Magaalada Beled-weyne uu u jeediyay Al-shabaab ee ku aadan in ay ka danbeeyeen  Dilka Xalay loo geystay Nabadoon Cabdi Ibraahim Aadan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dhanka xarakada Al-shabaab oo ay ku beeniyeen ama ay ku sheegteen Dilka Nabadoonka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here