Hogaamiyaha Daacish-ta Soomaliya Abdiqadir Mumin oo Lagu Daray Liiska  Argagixisada

0

Waaxda arrimaha dibedda Dowlada Mareykanka War kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Shiikh  Abdiqadir Mumin  oo horey ugu Tirsana Xarakada Al-shabaab balse dhawaan ku biiray Daacish-ta Soomaliya in lagu daray liiska argagixisada sida gaarka ah loo callaamadeeyey, ee amarka madaxweyne ee tirsigiisu yahay 13,224, kaasi oo cunaqabateyn kusoo roga shaqsiyaadka iyo raga  la go’aamiyey inay halis ku yihiin Mareykanka.

Shiikh Cabdulqaadir Muumin  ayaa haatan isaga iyo dagaalhayano daacad u ah waxaa  saldhig u ah Buuraha Galgala ee Gobolka Bari, ee Puntland waxay bishii October ee 2015-kii  ku biireen kooxda Daacish-ta Soomaliya,

Wixii markaa ka dambeeyey, ayaa sida ay sheegtay Waaxda arrimaha dibedda DowladaMareykanka, Cabdulqaadir Muumin waxa uu ballaariyey unugiisa Daacish-ta Soomaliya  isaga oo afduubay wiilal da’yar oo 10 illaa 15 sano jiro ah, kuna qasbay inay ciidamo noqdaan.

30/4/2016-ka Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan kuwa Maamulka puntland oo gaaray deegaanka Galgala  ee Duleedka magaalada Boosaaso, ee Gobolka Bari ayaa ugu dambeen waxa ay la wareegeen gacanta ku haynta gurigii Sheikh Cabdiqaadir Muumiin  ee deegaankaas ku yaalay.

Sheikh Cabdiqaadir Muumin oo ku noolaan jiray dalka Ingriiska ee yurub ayaa ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab, waxaana markii dambe uu sheegay inuu ku biiray Daacish, isagoo dhawaan soo bandhigay muuqaal.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here