Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal Maanta laba caruur ah ayaa ku dhintay kadib markii ay ku dhaceen Ceel biyood ku yaala xaafadda oo ka mid ah xaafadaha magaaladaas.
Caruurta ceelka ku dhacay ayaa ku ciyaarayey guriga ceelku uu ku yaallo xilli laga maqnaa oo cidna aysan joogin sida ay u xaqiijiyeen Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho dad ka ak dhaw ehelada caruurta geeriyootay.
Ceelka caruurtu ay ku dhaceen ayaa la xaqiijiyey inuu ahaa Ceel aan hadda shaqeynin balse ay biyo ku jireen taasi oo keentay geerida caruurta,Waxaana meydkooda lagasoo bixyey xilli dambe oo maanta ah ceelkii ay ku dhaceen sida dadka Magaalada garoowe gaar haan xaafadda Huddoon ee Magaaladaasn ay idaacada simba u sheegeen ,dadka deegaanka ayaa sidoo kale u sheegay Idaacadda Simba in ceelku uu af-bannaanaa caruurtuna ay saarnaayeen meel saqaf ah oo ceelka korkiisa ah.
Guriga uu Ceelku ku yaallo ayaa waxaa la wareegay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland oo halkaa gaaray kuwaasi oo su’aalo weydiinaya qaar ka mid ah dadkii lahaa guriga iyo waliba ehelada caruurta geeriyootay oo wax laga weydiinayo falkan iyo sida uu u dhacay.
Arintaan ayaa waxaa ay noqotay mid laga hadal haayo maanta Magaalada Garoowe maadaama ay tahay dhacdo ku cusub magaaladaasi,waxaana arimahaan iyo kuwa kale ee la midka ahba ay ku yimaadaan dayacaaad iyo xil iska saarid la’aan la xariirta ka hortagga arimaha nuucaan oo kale ah ee ay suura galka tahay in ay dhacaan.

