Xukuumadda Soomaliya iyo Beesha Caalamka ayaa Guddi u saaray dhameystirka Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe kadib markii ay maanta kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho.
Kulanka waxaa waxaa ka qeyb galay Raisulwasaare Ku-xigeenka Soomaliya Mudane Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, Wasiirka amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed , Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaliya Maxamed Cabdi Afey, Wakiilo ka socday Beesha Caalamka.
Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii loo dadajin lahaa dhameystirka Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe madaama qodobada ay ku heshiiyeen Hogaamiyayaasha Madashada wadatashiga dhawaan uu qeyb ka ahaa in la dhiso maamulka ka hor doorashooyinka dalka ka dhacaya.
Ugu horeyntii Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaliya Maxamed Cabdi Afey oo kulanka ka Hadlay ayaa sheegay in maalmaha soo socda laguda gali doono dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo wajigiisa Labaad uu ka furan yahay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
“3-bishaan waxaa magaalada Jowhar ka furmi doona shir Nabadeeda ay isugu imaan doonaan Odoyaasha labada Gobol kasoo kala jeeda si dhexdooda loo heshiisiiyo kadibna waxaa la amba qaadi doonaa dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, beesha caalamka waxa ay ka mideysan tahay Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe”, ayuu yiri Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaliya Maxamed Cabdi Afey.
Ugu dambeyntii waxaa kulanka ka Hadlay Raisulwasaare Ku-xigeenka Soomaliya Mudane Maxamed Cumar Carte waxuuna tilmaamay in dowlada soomaliya iyo beesha caalamka ay ka mideysan yihiin Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe iyadoo la tixgalinaayo codsiyada dadka kasoo jeeda labada Gobol.





